Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa tegay garoonka diyaaradaha cusub ee magaalada Boosaaso iyadoo ay la socdaan madaxda maamulka Puntland iyo wasiiro. Wafdiga Madaxweyne Gaas ayaa kormeer ku sameeyay Garoonka iyo qaabka loogu diyaariyay xafladda furitaanka.
Waxaa Garoonka lagu diyaariyay ciidamo salaan sharaf siinaya mas’uuliyiinta qaranka iyo Baandeyda Booliska ee lagu wado inay maanta gaaraan Garoonka, waxaana garoonka lagu wadaa inay maanta ka degaan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
HOOS KA DAAWO GAAS IYO MADAXDA PUNTLAND OO KU SUGAN GAROONKA BOOSAASO

Goobjooge.com