Monday, July 7, 2025

Qarax qasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax Gaari ay saarnaayeen loogu xiray  oo saaka ka dhacay degmada Shibis, iyadoo Qaraxani imaanayo kadib markii NISA ay sheegtay inay burburisay shabakadihii qaraxyada ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari kuwa Raaxada ah oo uu watay nin ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la saarnaa qof kale. Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay agagaarka Masjidka Rowda ee wadada nasiib buundo oo uu ka dhacay, waxaana gubtay ganacsi halkaasi ku yaalay.

Ciidamada oo halkaas gaaray  ayaa  baaritaan ka sameeyay, waxaana labada qof ee dhaawaca soo gaaray loo qaaday Goobaha Caafimaad Ee Magaalada Muqdisho.

Hay;ada nabadsugidda ayaa dhowaan sheegtay in la burburiyay kooxihii Alshabaab ee qaraxyada ku xira baabuurta, waxaase muuqata inay qaraxyadii sii socdaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON