Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa ku sii qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose halkaasoo shirar ku saabsan hiigsiga cusub uga furmi doono.
Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee gaara magaalada, waxaana isla maanta tegaya madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Galmudug.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in shirka hiigsiga cusub ee 2016 oo looga hadlayo qaabka doorashada dalka ka sokow uu Kismaayo ka dhici doono shir hordhac ah oo madaxda maamulada dalka iyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ay uga hadli doonaan khilaafaadyada ka dhex jira maamulada.
Shirka qaabka doorashad dalka ee 2016 ayaa lagu wadaa inuu Isniinta beri ka furmo magaalada Kismaayo. magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Goobjooge.com