Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa gaaray Magaalada Kismaayo oo la filayo inuu beri ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran, Madaxweynaha ayaa horkacaya Wafdiga isgu jira Wasiiro iyo Xildhibaanada Galmudug ah.
Wafdigan madaxweynaha Galmudug waxaa ka mida Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid), waxayna ka mid yihiin wafdiyada tegaya magaalada Kismaayo ee ka qeyb geli doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in shirar hordhac ah ka dhici doonaan magaalada Kismaayo oo ku saabsan xalinta khilaafaadyo ka dhaxeeya maamulada dalka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxweynayaasha maamulada, iyadoo uu guddoomin doono Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa isna ku sii jeeda Kismaayo, waxaana Kismaayo gaaray diyaarad siday xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka iyo Ilaaladii gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Goobjooge.com