Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana halkaasi ku qulqulaya wafdiyo kala duwan oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo odayaasha dhaqanka labada gobol.
Waxaa dhinaca kale magaalada Jowhar gaaray ciidamo fara badan oo laga diray Muqdisho, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo nabad sugid, iyadoo ciidamada Burundi ee AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan ammaanka magaalada Jowhar.
Shirka ayaa la sheegay inuu furmi doono maalinta beri ah ee Talaadada, inkastoo laga yaabo inuu maalin dib u dhaco, wuxuuna noqonayaa furitaan oo kaliya, iyadoo kadib la qorsheyn doono ergada labada gobol. Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inuu cagajiid weyn ka jiro qaar ka mida beelaha Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dib uga laabto shirka Kismaayo oo uu Jowhar u tago furitaanka shirkaasi, iyadoo uu socon waayay qorshihii hore ee ah inuu furmo shirka Jowhar ka hor shirka hiigsiga ee Madasha Qaran oo Kismaayo maanta lagu wado inuu ka furmo.
Goobjooge.com