Wednesday, July 2, 2025

Dib u dhac kale oo ku yimid shirka Madasha ee Kismaayo & Xasan Sheekh oo laga sugayo

Shirkii Madashada Wadatashiga Qaran ee Magaalada Kismaayo ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, kadib markii la sheegay inuusan magaalada weli gaarin madaxweyne Xasan Sheekh oo laga sugayo.

Shirka oo ku mudeysnaa 10-kii bishan ayay soo dhex galeen khilaafaad ka dhaxeeya madaxda maamulada dalka oo keenay in dib u dhac ku yimaado xilligii loo qabtay, waxaana mar kale dib u dhaca keenay iyadoo shirka aan la furi karin ka hor shir hordhac ah oo dowladda federaalka ay sheegtay in xal loogu raadinayo khilaaf u dhaxeeya maamulada dalka.

Waxaa hadda magaalada Kismaayo ku sugan  wufuud ay ka mid yihiin madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Ra’iisal wasaarahaFederaalka iyo  wakiilada beesha caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu maanta tago magaalada Kismaayo ayaa dhinaca kale laga sugayaa inuu furo shirka Jowhar ee maamul u sameynta maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirarka xalinta khilaafaadka maamulada dalka ayaa laga cabdi qabaa inay qaataan waqti dheer oo keena in shirka muhiimka ah ee doorashada sanadkan 2016 uu waqti dheer qaadan doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON