Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamud Guutaale ayaa qabtay Nin Itoobiyaan dad qal ah oo la sheegay inuu qashay gabar yar oo reer Burco ah, kadibna uu dhiiga ka cabay.
Ninkan oo Oromo ah ayaa qashay gabadha yar ee lagu magacaabi jiray Xamda Cabdi Xasan oo ku nooleyd tuulada Waran ee duleedka Burco, waxayna ahaud 4 sano jir.
Taliye Guutaale waxaa uu sheegay in Ninka Itoobiyaanka ah si dhaqsi ah Maxkamad loo soo taagayo, maaddaama uu galay Fal dambiyeed dil ah.
Goobjooge.com