Wednesday, June 25, 2025

Wararkii ugu danbeeyay weeraro & qaraxyo ka dhacay caasimadda Indonesia

In ka badan 7 qarax ayaa gilgilay caasimadda dalja Indonesia ee Jakarta, iyadoo lagu soo warramayo in lic ruux ay ku dhinteen weerarradaasi ayna jiraan dhaawacyo fara badan. 3 ka mida dadka dhintay ayaa la sheegay inay yihiiin ciidamada booliska, halka saddexda kale ay yihiin dableyda weerarka soo qaaday.

Mid ka mid qaraxyada ayaa ka dhacay xarun dukaamaysi oo lagu magacaabo Sarinah, as oo ay ku yaallaan hoteello kuwa lagu raaxaysto ah iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dhowr mayd oo waddada yaalla kaddib markii ay rasaas isweydaarsadeen boliiska iyo dabley hubeysan. dalka Indonesia oo hore looga digay weerarro argagixiso ayaa u muuqda inuu ku fashilmay ka hortagga weerarkan oo imaanaya maalin uun ka dib markii weerar is miidaamin ah lagu qaaday magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Markii ugu dambeysay ee weerar ka dhacay Jakarta waxay ahayd sanadkii 2009-ka, xilligaasi oo laba hoteel la weeraray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON