Tuesday, July 8, 2025

Axmed Madoobe oo ka hor yimid in shirka labaad ee Madasha lagu qabto Muqdisho

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka hor yimid in shirka labaad ee Madasha Qaran oo lagu dhameystirayo shirkii magaalada Kismaayo ee xalka lagu gaari waayay lagu qabto magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu ka dhacayo  Kismaayo.

Axmad Madoobe wuxuu ku adkeystay inay iyagu  marti gelinayaan gogosha xigta shirkii natiijo la’aanta ku dhamaaday oo weli ay agtooda taallo gogoshii,  isagoo ku adkeysay inay markii horeba ay jeclaysanayeen in miro dhal wanaagsan ay kasoo baxaan shirkii ay waqtiga badan geliyeen.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay  xalay xaflad ka dhacday magaalada Kismaayo oo ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugida  maamulkiisa uu tababar ugu soo xiray.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dowladda Federaalka ay go’aan ka gaari doonto halka lagu qaban doono goobta iyo xilliga uu dhacayo shirka danbe, waxaana lagu waday in magaalada Muqdisho  la isugu yimaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON