Tuesday, June 24, 2025

WAR DEGDEGA MUQDISHO: Rasaas ka socota Baarka Sea Food iyo Qarax cusub oo dhacay

Wararka laga helayo qaraxii caawa ka dhacay Baarka Sea Food ee xeebta Liido magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Baarka oo ah mid caan ah oo dad badan u fiidsi tagaan.

Qaraxa oo ahaa is miidaamin ayaa la sheegay in kadib ay dabley hubeysan ay gudaha u galeen Baarka, waxaana rasaas laga maqlay gudaha. Ciidamada ammaanka ayaa tegay goobta waxaana wararku sheegayaan in laga cabsi qabo dad badan oo qasaare kasoo gaaray weerarka qorsheysan.

Xaaladda ayaa cakiran wuxuuna weerarkan dhacay xilli habeen ah isagoo ka duwan weerararkii ka horeeyay taasoo xaaladda sii cakirtay.

Dabley la filayo inay Alshabaab yihiin ayaa ka dhex dagaalamaya gudaha Baarka, waxaana la maqlayaa rasaas ka dhaceyda baarka la weeraray. Waxaa mar kale la maqlay qarax weyn oo dhacay, iyadoo ciidamada nabadsugidda ay isku gadaameen baarka xaalada magaaladuna kacsan tahay..

WARBIXIN KALE KALA SOCO  HALKAN…..

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON