Monday, July 14, 2025

WARBIXIN & SAWIRRO: Weerarkii Liido oo la soo afjaray iyo qasaaraha ka dhashay

Hay;ada nabadsugidda Qaranka ayaa shaacisay in saaka waaberigii lasoo afjaray weerarkii ay kooxda Alshabaab ku qaadeen Baar iyo hotel ku yaala xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo iyo rasaas ay dabley toos ula beegsadeen hadlii halkaas ku sugnaa ayaa keenay qasaare 20 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac ka badan 30 kale. NISA ay waxay sheegtay in dableyda weerarka soo qaaday ay tiradoodu dhameyd 8 qof oo lix ka mida la dilay, mid is qarxiyay iyo nin la qabtay.

Xilliga weerarka waxaa baarka iyo hoteelka u dhow ka jiray xaflad aroos iyo xaflad casho ah oo ay dhiganayeen arday dhowaan qalin jebisay. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad fara badan oo isugu jira mas’uuliyiin, saxafiyiin, waalidiin iyo caruur.

Embedded image permalink

Dadka dhintay waxaa ka mida arday dhowaan qalin jebiyay oo lagu magacaabo Axmed Cusmaan, waxaa kaloo jira dad aan weli la garan oo goobta ku dhintay.

NISA wuxuu howlgalkan ku qaatay muddo ku dhow 10 saacadood, waxaana canbaareeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisal wasaaraha iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka ka danbeysay oo ay ku tilmaantay mid ay ku qaaday caddowga islaamka, iyadoo sidii loogu talogalay loo fuliyay.

Xaalada goobaha weerarku ka dhacay ee xeebta Liido ayaa saaka degan waxaana laga dareemayaa in xeebtii loo nasasho tegi jiray ay isu bedeshay goob dagaal.

Liido Beach vieaw

vlcsnap-2016-01-22-07h16m10s20

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON