Friday, June 27, 2025

Wakiilada Beesha Caalamka oo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubba ku cadaadinaya Qodob culus

Wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ayaa kulamo gaara la leh madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland oo laga dhaadhicinayo inay tanaasul ka sameeyaan qaabka doorasho ee ku saleysan degaanka oo xiligan aan suuragal ka ahayn Soomaaliya.

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa kulamadoodii ugu horeeyay  la yeeshay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay Micheal Keating iyo safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya oo ka mid noqday wakiilada beesha caalamka ugu saameynta badan gudaha Somaaliya. Lama oga in dadaalka wakiilada beesha caalamka lagu guuleysan doono, laakiin waxaa labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubba saaran cadaadis xoog leh.

Golaha ammaanka ayaa madaxda Soomaalida ka sugaya inay go’aan ka gaaraan qaabka doorashada dalka inta ka horeysa Khamiista 28-ka Bishan oo kulan ku saabsan Soomaaliya ay ku yeelan doonaan New York.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON