Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii la socday ee ka qeyb galay shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida ayaa barqanimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Boosaaso.
C/weli Gaas ayaa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xalay isagoo sheegay inaysan aqbalin go;aanka dowlada Federaalka ee qaabka doorasha 2016, wuxuuna intaas ku daray inuu dadka Puntland kula noqon doono arrintaasi.
Dibad baxyo lagu diidan yahay heshiiska Muqdisho lagu gaaray ayaa ka socda magaalooyinka maamulka Puntland, waxaana dadka degaanadaasi oo hore loo abaabulay ay diidan yihiin 4.5 iyadoo aad ay keli ku noqdeen.
Goobjooge.com