Wednesday, June 25, 2025

XOG: Baarlamaanka Somaliya oo abaabul ugu jira diidmada Qorshaha Doorashada 2016

Olole weyn ayaa ka dhex socda Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in lagu diido heshiiska Qorshaha qaabka doorashada 2016 oo ay dowladda Federalka iyo Beesha caalamka isla qaateen, isla markaana ay ansixiyeen golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Heshiiskan oo Puntand ay hore diiday, Baarlamaankana Federaalkana ka digay qorshe aan la isku raacsaneyn ayaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu shaaciyay in la hor geyn dooni Baarlamaanka, taasoo mar kale nolol soo gelisay Baarlamaanka.

Dhibaatada ugu weyn  ee heysata xildhibaanada iyo kooxda diidan qorshaha ayaa ah inay qaadatay Beesha Caalamka oo Golaha ammaankana soo dhoweeyay, isla markaana aanay cidna ku dhici karin in laga hor yimaado, laakiin waxaa xilliga kala guurka ah laga bartay in Baarlamaanka markaas jira howlgab laga dhigo.

Lama oga xilliga qorshahan la hor keenayo Baarlamaanka, laakiin waxaa sii badanaya xildhibaanada diidan qorshahan oo u badan kuwo doonaya in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo qaar siyaasad ahaan hore uga horjeeday madaxweynaha, laakiin haddiiba la qorshaha la hor keeno Baarlamaanka waxay xaaladu noqon doontaa in qaab beeleed loo abaabulo xildhibaanada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON