Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka amaanka Puntland weerar ay ku qaadeen guri ku yaala magaalada Booasaaso oo ay ku jireen ciidamo iyo mas’uuliyiin hore oo uu ka mid yahay uddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan.
Maamulka Gobolka Bari ayaa ku eedeeyay C/samad Gallan inuu ka danbeeyay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso oo qof lagu dilay 7 kalena lagu dhaawacay.
Weerarka lagu qaaday guriga ayaa keenay iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana Cabdisamad Gallan uu xilka wareejiyey 7 bilood ka hor, kadib markii Madaxweynaha Puntland xilkaas u magacaabey Yusuf Maxamed Waceys (Dhedo).
Cabdisamad Galan ayaa la sheegay inuusan guriga ku sugneyd xilliga weerarka lagu qaaday, lamana oga halka uu qabtay iyadoo la raadinayo. Xiisadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada.
Goobjooge.com