Wednesday, June 25, 2025

Q/Midoobay oo war ka soo saartay rabshadihii ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating  ayaa cambaareeyay rabshadihii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Rabshado dhex maray ciidamada Booliska Boosaaso ayaa shalay rasaas ku furay dad bannaanbax rabshado watay ka dhigeen magaalada,  laba qof ayaa ku dhintay 7 kalena waa ku dhaawacmeen. Xaalada ayaa ka sii dartay  markii weerar lagu qaaday guri uu deganaa guddoomiyihii hore ee Bari C/samad Maxamed Gallan oo maamulku ku eedeeyeen inuu abaabulay bannaanbaxa.

Ciidanka Booliska oo weeraray hoyga uu Magaaladaasi ka degan yahay C/samad Maxamed Gallan ayaa waxay iska caabin kala kulmeen ilaaladiisa, inkastoo aan la garanayn khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Wakiilka Qaramada Midoobe Somaliya, Michael Keating oo cambaareeyay rabshadahaasi, isagoo ugu baaqay labada dhinac ee ku lug leh inay xasiloonida ilaaliyaan.

Michael Keating ayaa qoraal uu xalay  ku daabacay boggiisa Twitter-ka ku sheegay baaq uu u diray maamulka Puntland isagoo sheegay inaan la aqbali karin wax waliba oo shaqaaqo dhalinaya nooc kastoo ay yihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON