Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan magacaabay 17 Garsoore cusub oo maanta lagu dhaariyay xarunta Maxkamadda Sare ee Dalka.
3 ka mida Garsoorayaaha la magacaabay ayaa ku biiray Maxkamadda Sare ee Dalka, halka 14 Garsoore oo kale ay biiree Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo kuwa Degmooyinka. Munaasabadda dhaarinta Garsoorayaasha cusub waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Maxkmadda Sare.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa la dardaraamay garsoorayaasha cusub. Halka Garsooreyaasha la dhaariyey uu magacooda ku hadlay Cabdicasiis Cali Xasan, isagoo sheegay inay imtixaan sax ah kusoo baxeen.
