Wararka laga helayo gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya dagaal degaanka Cali-fooldheere oo hoostaga Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ku dhexmaray Maleeshiyaad degaanka ah iyo Rag ka tirsan Al-shabaab uu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Toban qof ayaa la sheegay inay dagaalkaasi ku dhimatay, waana markii ugu horeysay ee maleeshiyada degaanka ay weerar ku qaadaan degaanka Cali Fooldheere oo ay Al-shabaab ku sugnaayeen.
Dadka dhintay 9 kamid ah ayaa la sheegay in ay yihiin Al-shabaab, halka qofka kale lagu sheegay inuu kamid yahay maleeshiyaadka Weerarka qaaday.
Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Mahadaay Cismaaciil Warsame ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Al-shabaab Khasaaro Xooggan Dagaalkaasi lagu gaarsiiyay. Warar Madax banaan ayaa sheegaya in sarkaal horay uga mid ahaa milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Col.Koronto uu Hogaaminayo maleeshiyaada la dagaalamay Al-shabaab.
Goobjooge.com