Friday, June 27, 2025

FAAHFAAHIN: Qarixii lagu dhaawacay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax saaka lagu dhaawacay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo ka tirsan kooxda Ahlu suna e Gobolka Gedo kadib  markii qarax lala beegsaday gaari uu la socday.

Qaraxa ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Baardheere, kadib markii Gaari uu saarnaa Sheekha ay miino jidka loogu aasay ay ku qaraxday.

Taliyaha Amniga Degmada Baardheere Xuseen Max’ed Xasan  ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxa qabsaday Gaarigiisa,waxana uu xusay in gacanta iyo kugta uu firirka qaraxa ka galay, isla markaana uu lugahiisa ku soconayo.

Gaariga uu la socday guddoomiye ky xigeenka ayuu sheegay inuu si weyn u burburay oo aanay is lahayn sida gaarigu noqday iyo khasaaraha ka dhashay. Askari la socday guddoomiye ku xigeenka Al-qaadi ayaa isna dhaawac culus soo gaaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON