Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 09-Feb-2016 kusoo dhoweeyey xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxaana ka mid ahaa danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka waftigu yahay siday ula hadli lahaayeen madaxda Puntland ee ku aadan geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka.
“Wafdigani waxay noogu yimaadeen inay arkaan dareenka dadka reer Puntland hadday ahaan lahaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo bulshada rayidka ahba ee ku aadan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya iyo Hiigsiga doorashada. Dadka reer Puntland dareen bay ka muujiyeen go’aankii dowladda Federaalku qaadatay, Beesha Caalamkuna ay taageertay, sidaa awgeed in ay la hadlaan shacabka Puntland, wada xaajoodna la yeeshaan shacabka iyo dowladda oo wada socda ayay sidoo kale u yimaadeen” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.
Shirka ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaan si dhab ah loogu lafa guri doono go’aanka Puntland ee doorashooyinka 2016-ka iyo qaabkii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka ah uu dalka Soomaaliya ku jiro.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.
Goobjooge.com