Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa ka hortegay weerar la damacsanaa in lagu qaado xarunta hoggaanka Denbi baarista ee Booliska (CID) ee ku taala agagaarka isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.
Nabadsugida ayaa soo bandhigtay muuqaalka wiil dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii fulin rabay weerarkaasi oo loo adeegsan rabay gaari waxyaabaha qarxa laga soo bixiyay in lagu dhufto albaabka laga galo, kadib ay gudaha u galaan dagaalyahano loo soo tababaray arintaasi.

Sayid Cali: eedeysane la haayo
Wiilkaan ay soo bandhigtay Nabadsugida oo magaciisa lagu sheegay Sayid Cali, ayaa soo bandhigay naqshad uu gacantiisa ku sameeyay, isagoo indha indheyn ku sameeyay xarunta CID.
Xarunta dambi baarista ee CID ayaa 17 Febraayo 2012 waxaa lagu qaaday weerar xooggan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah, halkaasii dad u badnaa shacab ay ku dhinteen.
Weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan xarumaha dowladda iyo hoteelada Muqdisho ayaa waxaa intooda badan loo adeegsadaa qaraxyo kadibna waxaa gala kooxo hubeysan oo u diyaarsan dhimasho iyo geeri.
Goobjooge.com