Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidanka Asluubta kana mid ahaa ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho looga shakiyey inuu xiriir la leeyay Alshabaab.
Askarigan ayaa la sheegay in loo xiray arrintan oo baaritaan uu ku socdo. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Macalin Xasan Cali ayaa sheegay in askariga la xiray xilli habeeni xili dambe u caado ka dhigtay inuu ka dhex baxo ciidanka sidaa awgeedna looga shakiyey iyo falal kale.
Afhayeenka wuxuu intaas ku daray in Askariga la xiray aanan lagu heyn wax cadeyn ah oo la xiiriira Al Shabaab balse waxa uu u xiran yahay ay tahay oo kaliya tuhun arrintiisuna baaritaan ku socdo.
Hore ayay Alshabaab ugu guuleysteen inay dhex galaan ciidamada Asluubta iyo taliyahoodii oo ay kadib xabsiga ka daayeen xubno ka mid ahaa iyadoo adeegsaday lacag.
Goobjooge.com