Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in ciidan awood leh loo dhiso Soomaaliya. Hadalkaan ayuu wakiilku ka jeediyay kulan uu Muqdisho kula qaatay taliyeyaasha qaybaha hawl-galka AMISOM, saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa laamaha ammaanka, shirkaasoo looga dooday sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada dalka.
“Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed way og-yihiin dhibaatooyinkii uu dalkoodu soo maray, Sidaa daraadeed, si loo burburiyo Argagaxisada Waddankanna Nabaddii hore loogu soo celiyo waa in xil weyn la iska saaro dhismaha ciidamo Awood leh oo hanta Ammaanka guud ee Somalia,” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.
Danjire Madeira ayaa xusay in aanay Muhiimadda ugu weyn ahayn xilligaan in lagu guuleysto dagaallada lagula jiro Al-shabaab, laakiinse waxaa loo baahan yahay in laga fikiro isbedello lagu sameeyo xoojinta Ammaanka Mustaqbalka Soomaaliya.
“Ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh, tababaran, isla markaana aad u qalabeysan oo ay Caawinayaan Ciidamada AMISOM ayaa ah tan keliya ee lagu gaari karo in Soomaaliya oo dhan ay soo gasho gacanta Dowladda federaalka ah, Al-shabaabna laga saaro Deegaannada ay gacanta ku hayso… Ciidamadaasoo ah kuwa la Wareegi doona Amaanka guud ee Dalka Somalia markii uu dhamaado xilliga howlgalka ciidamada AMISOM,” ayuu Hadalkiisa ku daray Danjire Madeira.
DAAWO SAWIRRO