Kooxda Alsahbaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo hore usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG ahayd ee C/llaahi Yuusuf oo maanta ku dhintay qarax oo ka dhacay Isgoyska KM4 lala beegsaday gaarigiisa .
War ay soo saartay Alshabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxa ee lagu dilay wasiirkii hore ee difaaca sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta Alshabaab.
Dalka wasiirka hore oo hadda ahaa guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka cusub ee Kulan ayaa ka mid noqonaya dilal khaarijin ah oo Alshabaab ka fuliso magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com