Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa maanta ugu yeeray wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo su;aalo lagu weydiinayo arrimo ku saabsan mooshin laga keenay xasaanada xildhibaanada Baarlamaanka.
Kulanka maanta waxaa hortegaya wasiirada Amniga C/risaaq Cumar Maxmed iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana Baarlamaanada ay doonayaan inay wasiirada wax ka weydiiyaan sababta xildhibaano ka tirsan baarlamaanka loogu xadgudbay.
Hab-dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamud ayaa sheegay in ajendaha maanta uu yahay Wasiirrada hor imanaya Baarlamaanka ee weydiimaha ay horyaallaan.
Kadib qarxintii diyaaradda Daallo horaantii bishan waxaa garoonka Muqdisho lagu soo kordhiyay baaritaan xoog leh oo la marinayo qof waliba, taasoo ka careysiiyay xildhibaanada oo ku doodaya inaan la baari karin sharcina u leeyihiin.
Goobjooge.com