Sunday, July 6, 2025

Ciidamada Kenya oo ka baxay Garoonka diyaaradaha Kismaayo & ciidamada Itoobiya oo la wareegay

Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay inay isga baxeen garoonka diyaaradaha  magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku sugnaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay una ahayd saldhigooda ugu weyn.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku sugan oo saldhig ka sameystay ciidamada Itoobiya oo dhowaan tegay Jubbooyinka oo tiradooda ay sii kordheyso. Ciidanka Kenya ayaa magaalada Kismaayo ku laha xarumo ciidan tan iyo markii ay  magaaladaas furteen, waxaana xarumahaasi intooda badan la wareegay ciidamada Milateriga Kenya.

Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe hogaamiyo ayaa dadaal u galay  inay ciidamo Itoobiyaan ah tagaan magaalda Kismaayo oo kala qeyb galaan dib u xoreynta gobolada Jubbooyinka, waxaana Kenya ciidamadeeda ay wadaan dib u gurasho kadib weerarkii wenynaa ee Ceelcade oo askar badan looga dilay ciidamada KDF loo yaqaan ee dalka Kenya.

Gobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON