Baarlamaanka Puntland ayaa qaadacay casuumaad uga timid Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku saabsaneyd ka qeyb galka shirar ka dhacayay magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigayay isbedel lagu sameeyay Dastuurka KMG ah.
Madaxda Baarlamaanada maamulada dalka ka jira sida Jubba, Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa tegay magaalada Muqdisho oo goobjoog ka noqday fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee lau soo bandhigay, laguna qeybiyay dastuurka wax laga bedelay, waxaana kadib kulamo ku saabsan qaabka wax ka bedelka Dastuurka dhex mareen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda baarlamaan goboleeyada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka baaqsaday inuu tago magaalada Muqdisho, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo khilaaf qaabka doorashada 2016 u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Puntland oo xubno ku leh Guddiyada Baarlamaanka ee Dastuurka iyo Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa hore dacwad uga keentay isbedel kooban oo Baarlamaanka Soomaaliya ku sameeyay dastuurka, waxayna Puntland ku doodaa in Dastuurka hadda jira aanu ahayn kii lagu heshiiyay ee saxiixayaashii 6-da ahaa isla qaateen.
Goobjooge.com