Ciidamada Itoobiya ayaa maanta la wareegay gebi ahaan degaanka Dac-dheer ee gobolka Galgaduud oo ah tuulo u qeybsan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kuna taalla xadka labada dal.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay la wareegeen saaka qeybta Soomaalid ee Dacdheer, iyagoo dadkii deganaa ka qaatay mobile-da gacanta, kadibna ku amreen inay ka tagaan degaanka, si degdeg ahna uga baxaan halkaasi.
Degaanka Dacdheer ee qeybta Soomaaliya oo Itoobiya ciidamadeeda qabsadeen ayaa ah dhul Soomaaliyeed oo aanay cidna ku sugneyn, kana mid xuduudka Soomaaliya. Odayaasha degaanka oo kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaan wax natiijo ah ka soo bixin, waxayna ciidamada Itoobiya ku adkeysteen inay Soomaalidu ka baxaan degaanka Dacdheer gebi ahaantiis.
Lama oga sababta Itoobiya ku kaliftay inay degaan Soomaaliyeed ay qabsadaan, laakiin waxay tani ka mid tahay xadgudubyada ay Itoobiya ka sameeyaan xuduudaha Soomaaliya oo qeybo ka mida hadda noqday dhul Itoobiya ka taliso.
Goobjooge.com