Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa mar kale inay maanta hor yimaadaan Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda General C/raxmaan Maxamed Tuuryare oo loo heyso tacadiyo iyo baaritaan lagu sameeyay xildhibaano ka dhoofayay Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Baarlamaanka ayaa Wasiirka Amniga ayaa fadhigii hore ee Barlamanka su’aalo kulul lagu weydiiyay baarlamaanka iyadoo xildhibaano careysan ay si weyn ugu cambaareeyeen inuu ku fashilmay xilkiisa.
Xildhibanao badan ayaa maanta sugaya Taliyaha Hay’adda NISA oo u diyaarsaday su’aalo kulul, waxaana socda dooda ku saabsan mooshinka xasaanada xildhibaanada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hore ugu dhawaaqay maanta ay Baarlamaanka hor imaan doonaan wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya si wax looga weydiiyo xasaanada xildhibaanada ee la jebiyay kadib qaraxii diyaaradda Daallo.
Goobjooge.com