Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Sarkaal madaxiisa la dul dhigay lacag, kana tirsan Alshabaab oo u gacan galay dowladda Somaliya [Akhri Liiska]

Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu ay Muqdisho ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. War qoraal ah oo ay warbaahinta dowladda ka soo xigatey hey’adda Nabad Sugida Qaranka ayey ku sheegtey in sarkaalka lagu beegsadey howlgalkan, ay horey madaxiisa lacag u dul dhigtey.

Inkastoo NISA aysan shaacin magaca sarkaalka la qabtey iyo faahfaahinta howlgalka lagu soo qabtey oo ka dhacay Hotelka Hotelka Golden ee ku yaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho aya hadana wararku sheegayan inuu yahay sarkaal sare oo la doondoonayay.

Ilo ka tirsan sirdoonka ay sheegay in sarkaalkan uu yahay mid darajadiisu heer  dhexe, mas’uuliyad sarena ka haya Al-Shabab, isagoo loo heystay xiriirinta  dilal loo geystay dad bulshada magac ku dhex leh iyo saraakiisha dowladda oo ka dhacay Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii  bishii July  ee 2015 dul dhigtey lacag dhan $2,000 ninkan  shalay lasoo qabtay iyo xubno la socday.

HALKAN KA AKHRI  LIISKA XUBNAHA ALSHABAAB EE DOWLADDA SOOMALIYA MADAXOODA DUL DHIGTAY LACAGTA

http://goobjooge.com/dowladda-soomaaliya-oo-soo-saartay-liiska-xubnaha-alshabaab-ee-la-raadinayo-lacag-la-dul-saaray/

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON