Dalalka Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis ah iskaashiga ciidamada markii ay magaalada Qaahira kulan ku wada yeesheen taliyeyaasha ciidamada labada dal iyo wasaaradaha difaaca.
Jeneraal Maxamed Aaden ayaa sheegay in booqashada uu halkaasi ku tegey ay sii xoojin doonto xiriirka u dhexeeya labada waddan, isagoo xusay in Masar uu Soomaaliya kala dhexeeyo xiriir iyo taariikh fog oo xagga iskaashiga ciidamada ah.
Gen. Mohamud Hijaali oo ku hadlayay magaca dowlada Masar ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin dib u dhiska ciidanka xoogga, kuna taageeri doonaan dhinacyad kala duwan taasoo uu kaga mahad celiyay taliyaha difaaca Soomaaliya Jeneraal Maxamed Aaden Axmed.
DAAWO SAWIRO