Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa laga soo xigtay war ka yaabiyay dadka reer Kenya, kadib markii isagoo jooga dalka Israa’iil uu sheegay in Kenyaatiga ay yihiin dad khibrad u leh tuuganimada iyo dembiyada kale, balse dhinaca kale ee horumarka caajis ka yihiin.
Wuxuu sheegay in Kenyaati ah 20 jeer ka xirfad badan yihiin Israa’iiliyiinta, laakiin ay mar waliba cabasho uun la soo taagan yihiin. Wuxuu kaloo dadka Kenya ku tilmaamay dad qabyaaladu ku weyn tahay oo gardarro badan, wuxuuna hadalkan ka soo yeeray isagoo khudbad ka jeedinayay dadka Kenyaatiga ah ee ku nool Israa’iil.
Hadalka Uhuru ayaa u muuqday isku day uu ku dhiirigelinayo dadka Kenyaatiga ah si ay dalkooda y horumariyaan sida Israa’iiliyiinta oo kale, laakiin waxaa si weyn u cambaareeyay dad Kenya oo baraha bulshada ku qoray jawaabo kala duwan.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu eedeeyaa inuusan wax tallaabo ah ka qaadin sidii uu dalkiisa ugala dagaalami lahaa musuqmaasuqa ragaadiyay.
Kenyatta oo dhex taagan xarun lagu xusuusto Yuhuudii lagu laayay Jarmalka (Holocaust).
Goobjooge.com