Tuesday, July 1, 2025

Alshabaab oo sheegtay Qaraxyadii Baydhaba, kuna dhawaaqay inay ku dishay….

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbeysay weeraradii mataanaha ahaa ee galabta ka dhacay laba Baar oo ku yaala magaalada Baydhaba, iyadoo sheegtay in saraakiil ka tirsan maamulka K/Galbeed ay ku le’deen qaraxyadaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ee oo ay baahisay Idaacadda taageerta kooxda ee Andalus ayay caawa  Alshabaab si rasmi ah ugu sheegtay inay iyagu qaadeen weeraradii magaalada Baydhaba ee is-miidaaminta ahaa.

Al Shabaab waxay sheegatay inay qaraxyada ku dishay saraakiil sarsare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed sida  odayaashii dhisay baarlamaanka maamulka Koonufr Galbeed.

Weerarada Baydhaba ayaa waxaa ku hoobtay dad shacab ah oo ku sugnaa laba Baar oo qaraxyo lala beegtay, waxaana dadka dhintay ay sare u dhaafeen 20 ruux.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Xasan Ibraahim oo ahaa wasiir ku xigeenka hubka dhigista Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON