Sunday, June 22, 2025

Shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirada & Madaxweynaha Somalia oo dhammaaday

Shirkii degdegga ahaa Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo caawa la isugu yeeray ayna goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay.

Shirka waxaa guud ahaan looga hadlay xaalada ammaanka dalka iyo weerarada cusub ee Alshabaab ka geysanayso caasimadda iyo Gobollada Koonfureed ee dalka, iyadoo la isku dhaafsaday dood ku saabsan  fashilka hay’adaha amniga iyo ak hortagga Alshabaab oo sii xoojisay weerarada iyo is qarxinta magaalooyinka.

Wasiirka Amniga ayaa warbixin ka siiyay golaha xaaladda dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaana lagu wargeliyay golaha wasiirada qorsheyaal Alshabaab dardar ku gelineyso weerarada is qarxinta ee ay geysaneyso oo uu ugu danbeeyay weeraradii galabta ka dhacay Magaalada Baydhaba.

Ad

Guud ahaan shirka oo ay ka soo xaadireen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa hareeyay xaaladda ammaanka ee dalka oo ka sii dareysa

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON