Thursday, June 26, 2025

XOG: 40 Xildhibaan oo su’aalo weydiiyay Cumar C/rashiid & Go’aano xil ka qaadis oo laga sugayo

Laba fadhi oo qaatay laba maalmood iyo in ka badan 10 saacadood ayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya lagu weydiiyay su’aalihii ugu adkaa ee soo mara intii uu xilka qabtay muddo laba jeer ah oo Ra’iisal wasaare uu ka noqday dowladda Xasan Sheekh iyo Dowladii KMG ah ee Sheekh Shariif.

Waxaa is qortay inay Cumar C/rashiid su’aalo u qabaan 47 xildhibaan, waxa kaliya oo ka laabtay 7 xildhibaan markii su’aalihii ay qabeen ay weydiiyeen xildhibaano hore, waxaana su’aalaha ku jiray dhammaan arrimaha xukuumadda ka khaldan oo ay ka mid yihiin:

  1. Sugidda Amniga
  2. Daryeelka ciidamada
  3. La-dagaalanka Shabaab
  4. Musuqmaasuqa
  5. Ku takri falka hantida qaranka
  6. Xil gudasho la’aanta hay’adaha muhiimka ah
  7. iyo arrimo kale oo u abdan xiriirka dalalka deriska ah iyo arrimaha doorashooyinka 2016.

Maqribnimadii xalay ayaa lasoo gabagabeeyay doodii iyo su’aalihii loogu yeeray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana loogu baaqay inuu isbedel ku sameeyo Hay’adaha amniga, sida Booliska iyo Nabadsugidda.

  1. Taliyaha Nabadsugidda ayaa qaar ka mida xildhibaanada ku eedeeyeen inuusan aqoonta ciidamada uu maamulo lahayn, kana muuqato qorshe iyo maamul xumo.
  2. Taliyaha Booliska ayaa lagu eedeeyay inuu ka bixi waayay safar aan dhammaad lahayn, kana warqabin xaaladda hoose ee ciidamada uu maamulo.
  3. Taliska Milateriga  ayaa la sheegay inuu musuqmaasuq badan  ka jiro oo la lunsado mushaarka iyo saadka ciidamada xoogga dalka oo xilligan dagaal kula jira Alshabaab, taasoo keentay inay ka baxaan degaano badan sida Shabeelaha Hoose.

Baarlamaanka ayaa u sheegay Ra’iisal wasaare inuu tallaabo degdeg ah ka qaado talisyada ammaanka dalka gacanta ku haya ayna muddo kooban gudahood dareemaan isbedel muuqda, waxayna dalbadeen in xilka laga qaado taliyeyaasha ciidamada siiba Taliyaha NISA C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Lama oga sida uu Cumar C/rashiid  ka yeeli doono arrintan oo aanu keligiis awood u lahayn, balse xil ka qaadista uu leeyahay madaxweynaha dalka, golaha wasiiradana ay  leeyihiin soo jeedin. Qaar ka mida xildhibaanada ayaa ku hanjabay haddii Ra’iisal wasaaruhu degdeg tallaabo u qaadi waayo inay xukuumadda mooshin ka keeni doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON