Maleeshiyada Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaa la sheegay inay xireen nin la dhashay Sarkaalka ay dagaal kula galeen magaalada Dhuusamareeb ee Liibaan Madaxweyne iyo laba nin oo kale.
Ninka la dhashay Liibaan Madaxweyne iyo labada nin ayaa la sheegay inay la joogeen dhaawaca Liibaan Madaxweyne oo ku jiay Isbitaalka Magaaladaasi.
Maleeshiya Ahlu suna ayaa la sheeay inay ilaalo ka hayaan dhaawaca Liibaan Madaxweyne, kadibna ninka la dhashay iyo laba nin oo la jooga Isbitaalka ay ciidamo kale u soo direen oo isla xalay ay ka wadeen magaalada iyagoo la geeyay Guriceel.
Lama oga sababta arrintan ku dhacday, waxayna dadka Magaalada Dhuusamareeb sheegayaan in cabsi weyn ka jirto kadib markii Ahlu suna bilowday inay dadka ka ugaarsato magaalada.
Goobjooge.com