Saturday, June 28, 2025

DAAWO: Axmed Madoobe oo Qado sharaf u sameeyay wafdigii Wasiir Diini & siyaasiyiin ku kacsanaa

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Jimco ah qado sharraf ugu sameeyay xarunta madaxtooyadiisa magaalada Kismaayo wafdi uu hoggaaminaayay wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shaley gaaray magaaladaas ayna ka mid ahaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Sade oo si weyn ugu kacsanaa Axmed Madoobe.

Xubnaha la socda wasiir Diini ayaa Kismayao u tegay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan maamulka Axmed Madoobe  iyo beesha Sade oo shir dib u heshiisiin ah u socdo.

Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa, wuxuuna sheegay  inuu ku faraxsan yahay inuu arko raggii mucaaradka ku ahaa oo Kismaayo ku sugan, wuxuuna rajeeyay in wixii dhibaato ah ee jira xal loo heli doono.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini wuxuu isna sheegay inuu bogaadinayo kulanka Kismaayo iyo siyaasiyiinta Gedo inay hadda diyaar u yihiin in la shaqeeyaan dowlad goballeedka Jubbaland isla markaana ay doonayaan inay nabad qaataan.

Wasiir Diini ayaa ugu baaqay Axmed Madoobe inuu soo dhoweeyo siyaasiyiinta Gedo oo la heshiiyo, xalka ay wada gaaraan si wadajir Jubbaland loogu dhiso.

SAWIRRO

 

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qado sharraf u sameeyay wafdigii uu hoggaaminaayay Wasiirka gaashandhigga

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay wafdiga wasiirka gaashandhigga

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qado sharraf u sameeyay wafdigii uu hoggaaminaayay Wasiirka gaashandhigga
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON