Friday, July 11, 2025

Wasiirka Amniga oo mar kale loogu yeeray inuu hortago Baarlamaanka

Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  mar kale  kulankooda maanta su’aalo ku weydiinaya Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo ay noqoneyso markii saddexaad ee uu hortago Baarlamaanka.

Kulankan ayaa ka danbeeyay fadhiyo xiriir ah oo xildhibaanada Baarlamaanka su’aalo ku weydiiyeen ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud  ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka maanta uu hor imaanayo Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ay u harsan yihiin su’aalo kale oo xildhibaanadu doonayaan inay weydiiyaan.

Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ayaa hore muddo laba keer ah u hortegay Baarlamaanka iyadoo kulankii ugu danbeeyay ay dib u celiyeen xildhibaanada markii uu la imaan waayay Taliyaha NISA C/raxmaan Tuuryare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON