Askari Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay iyo qof rayid ah qaraxyo mar kaliya ruxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii Miinooyin dhulka la geliyay goob Maqaayad ah oo ay tagaan askarta Itoobiya iyo xarumo ganacsi oo ku dhow ay mar qura wada qarxeen.
Ilaa 5 qarax oo miinada dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay goobta ay ciidamada Ethiopia ku kalahaan xilli ay marayeen, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen 3 askari oo kale, iyadoo dadka dhintay uu ka mid yahay qof rayid ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in mid ka mida qaraxyada uu haleelay baabuur ay ciidamada Itoobiya wateen oo askari kaga dhintay. Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah AMISOM, ayaa la sheegay inay qaraxaasi kadib rasaas fureen, waxaana rasaastaasi ay dhaawacday dad rayid ah oo ku dhow 5 qof.
Goobjooge.com