Sunday, June 29, 2025

Khilaaf ka taagan Hay’adda Macdanta & Shidaalka Puntland & agaasimaheedii oo ka carooday….

Khilaaf culus ayaa ka taagan Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland kadib markii agaasimaha Hay’adaasi  Ciise Dhalowaa uu sheegay inuusan waxba kala socon oo uu been abuur yahay xafiis Hay’adda uu madaxda ka yahay ka furatay Magaalada Garowe.

Wuxuu radio Garowe u sheegay in  inay sharaf dhac tahay in la yiraahdo markii ugu horaysay oo hay’adda macdanta iyo shidaalka xafiiskii ugu horeeyay ka furatay magaalada Garowe, isagoo ku dooday inaan lagu wargelin oo aan marna lagala tashan furitaanka xafiiskan.

Ciise Dhalowaa ayaa muddo dheer Puntand u qaabilsanaa maamulka Puntland heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye ee shidaalka baara kuwaasoo aanay waxba ka soo bixin muddo 10 sanadood ka badan, waxaana hadda muuqata in xafiiskan wax ka bedel lagu sameynayo, isagoo hore u ahaa xafiis ku kooban hal shaqsi oo ah Ciise Dhalowaa.

Shalay ayay ahayd  markii madaxwayne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdilaahi Camey magaalada Garowe ka furay xafiis cusub oo lagu sheegay inay leedahay  Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka.

DSC01438

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON