Friday, July 4, 2025

Wafdi ka socda Xukuumadda Somalia & Midowga Yurub oo dhagax dhigay Dugsi laga dhisayo Kismaayo

Wafdi isugu jira wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Wafdiga oo ay hogaamineysay Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Khadra Bashiir Cali, waxaana ka mida wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte iyo  wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Kulan ay Kismaayo kula yeesheen  madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo  mas’uuliyiinta Jubbaland, waxayna iyagoo wada jira tageen  xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo oo lagu dhagax dhigay Iskuul Boarding ah oo la sheegay in la heli doono adeegyada waxbarashada.

Iskuulkan waxaa hirgelinaya Midowga Yurub,  waxayna wasiirka waxbarashada Khadar Bashiir Cali sheegtay inuu noqon doono dugsi dhameystiran.

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiramaan Yusuf Ceynte ayaa isna sheegay in dhismaha dugsigan uu qeyb ka yahay mashruuc Midowga Yurub uu ka hirgalinayo dalka oo dhan. .

DAAWO SAWIRRO

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urs oo Kismaayo tagay

Ardayda wax ka barta Iskuulada ku yaalla Kismaayo

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urs

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay kulankii maanta ee Midowga Yurub iyo Wafdiga dowladda Soomaaliya ay ku tageen Kismaayo

Wasiirka waxbarashada Khadar Bashiir iyo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiha Cabdiraxmaan Ceynte oo tagay Kismaayo

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON