Sunday, July 20, 2025

Ammaanka wadooyinka Muqdisho oo loo qeybiyay Booliska & NISA & Amarro kasoo baxay Wasaaradda Gudaha

Wasaaradda Amniga Gudaha xukumadda Soomaliya ayaa  shaacisay qaabka cusub ee loo sugayo ammaanka caasimadda Muqdishom waxayna digniin u dirtay shirakadaha iyo dadka heysta hubka sharci darrada ah oo loogu baaqay inay mudo bil gudahood isku soo diwaan geliyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi kaamil Macalin Shukri oo  saxaafadda la hadlay  ayaa sheegay inay Wasaaraddu fartay  shirkadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn,  xarumaha ganacsiga, hoteelada, shirkadaha ilaalada gaarka ah leh, xarumaha warbahinta  inay  hubka ay heystaan  ku diiwaan geliyaan muddo 30 maalmood ah.

Wax kaloo afhayeenku faahfaahin ka bixiyay qaabka loo sugayo ammaanka Muqidsho oo loo qeybiyay ciidamada booliska iyo kuwa Nabadsugidda; Booliska ayaa loo qoondeeyay inay ilaaliyaan wadooyinka muhiimka ah ee laga soo bilaabo wadada  Liido ilaa  Ex Koontarool Afgooye.

Ciidamada Nabadsugidda ayaa iyaguna loo xil saaray inay sugaan ammaanka jidadka waaweyn ee Sodonka, warshadaha  iyo Wadnaha, waxaana la sheegay in  labada ciidan lagula xisaabtamayo wixii amni darro ah ee ka dhaca goobaha loo xilsaaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON