Maamulka Ahlu suna ee Gobolada Dhexe ee Soomaliya ayaa la sheegay in sarkaalkii dhowaan kula dagaalamay magaalada Dhuusmareeb ee Liibaan Maxamud Madaxweyne ay ku wareejiyeen odoyaal ehelka sarkaalkaasi kasoo jeeda kadib markii Ahlu suna ku fashilantay inay sarkaalkaasi u qaado dalka Itoobiya.
Sarkaalkan ayaa dhaawac culus kasoo gaaray dagaalkii dhowaan ka dhacey Magaalada Dhuusamareeb, waxaana waxba looga qaban waayay isbitaalada Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Odayaasha oo dadaal ugu jiray inay dhaawaca sarkaalkan u qaadaan Muqdisho ayaa kula wareegay maanta degaanka Gadoon oo magaalada Dhuusa Mareeb uga beegan dhinaca Cadaado.
Dhaawaca Liibaan ayaa lagu wadaa in loo soo duuliyo magaalada Muqdisho kadib marka la geeyo Cadaado, iyadoo Ahlu suna ay dooneysay in mar waliba gacanteeda aanu ka bixin sarkaalkan dagaalku dhex maray.
Goobjooge.com