Monday, July 14, 2025

Laba Senator oo shaaciyey inay Dacwad kusoo oogayaan Wasiir Oomaar & Fahad Yaasiin

Senatoorada kala ah C/llaahi Sheekh Ismaaiil (Fartaag) iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ka hadlay sidii sharci darrda ahayd ee looga reebay maanta diyaarad ku socotay Magaalada Kismaayo.

Laba senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey inay nasiib darro ah in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku mashquulsan inuu Garoomada ka celiyo xildhibaannada siyaasad ahaanta uga horjeeda, iyadoo dalku marayo xaalad adag.

Senator Fartaag ayaa sheegay inuusan dalka lagu maamuli karin Nabadsugidda uu ka taliyo Fahad Yaasiin, wuxuuna caddeeyay inaysan ka hari doonin arrintan oo ay maxkamad la tegi doonaan Wasiirka Duulista Maxamed C/llaahi Oomaar iyo agaasimaha NISA.

Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay falka maanta lagula kacay ee ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ku adkeystay inay arrintan ka hari doonin oo maxkamad la tegi doonaan madaxda ka dambeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON