Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in xubno Alshabaab ka tirsan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Muqdisho oo ku saabsan tahriibka ayuu sheegay in gacanta lagu dhigtay shabakado isku xiran oo Alshabaab ah, kuwaasoo doonayay inay si ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay arintan fududeysay nidaamka Garoonka Aadan Cadde oo la adkeeyay, markii la baaray Documentiyada ay ku dhoofayeen dadkaasina ay caddaatay inay been abuur yihiin.
Tirada la qabtay ayuu wasiirka amniga sheegay inay gaarayaan 20 qof oo laga dhigay inay safar rasmi ah u socdaan.
DHAGEYSO CODKA WASIIRKA
Goobjooge.com