Tiradii ugu badneyd dunida oo dhan ayaa maalin qura cudurka Covid-19 ugu geeriyooday dalka Mareykanka, waxaana 24-kii ee ugu danbeeyay la diiwaangeliyay geerida in ku dhow 2000 qof.
Mareykanka ayaa jebiyey rikoor uu hore u dhigay oo ahaa 1200 qof inay cudurka u geeriyootay muddo 24 saacadood ah, waxaana shalay dalkaasi laga diiwaangeliyey inay cudurka Covid-19 ugu dhinteen 1939 qof, iyadoo guud ahaan uu dalkaasi cudurku ku dilay 12,722 qof.
Dadka sicda cudurka Coronvirus ee gudaha Mareykanka ayaa hadda ku dhow 400,000 qof, waxaana la yaab lahayd in 24-kii saac ee ugu danbeeyay uu cudurka soo ritay dalkaasi dad gaaraya 29,609 qofm sida ay diiwaangelisay Jaamacadda Johns Hopkins.
Magaaalada New Yorka ayaa noqotay magaalada tirada ugu badan ay ugu dhintaan cudurka Corona. Shalay oo kaliya ah waxaa magaalada New York ku geeriyootay dad tiradoodu ay gaarayso 731 qof.
Dhinaca kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO inay u xaglineyso Shiinaha, isla markaana laga doonayey inay xilli hore u digto dalkiisa, wuxuuna caddeeyay inuu soo jeedinayo in Mareykanka uu joojiyo lacagta uu siiyo Hay’ada WHO.
Madaxda Mareykanka ayaa ku dhex jira fowdo ka dhalatay xakameyn la’aanta Coronavirus, waxaana ka dhex socota is eedeyn iyo cambaareyn ay u jeedinayaan Shiinaha iyo WHO, halka mas’uuliyiinta xisbiga Dimoqraadiga ay Trump ku eedeeyeen inuu ku fashilmay wax ka qabashada cudurka intii ay goori goor ahayd.