Wararka laga helayo degaanka Dacdheer ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalka halkaasi ku dhex maraya dadka degaankaasi iyo ciidamada maamulka Kilinka Shanaad ee Soomaalida ee Liyuu Boolis.
Dadka degaanka ayaa soo weriyay in dagaalku weli socdo iyadoo labada dhinac ay gurmadyo heleen. Qasaaraha ayaa la sheegay inuu gaarayo 4 dhiamsho ah oo dadka reer miyiga ah iyo dhaawacyo u badan Liyuu Boolis.
Dhaawacyada dagaalka Daacdheer ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalada Magaalooyinka Cadaado iyo Gelinsoor, waxaana dagaalada soo noqnoqday ayaa ka sii daraya xilli xaalado abaareed oo ba’an ka jiraan degaanada Gobollada Dhexe.
Dagaalka Dacdheer ayaa salka salka ku haya markii markii ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dadka degaankaasi ku amreen inay isaga guuraan Dacdheer.
Goobjooge.com