Faruk Fatih Ozer oo 28 sano jir ah aya xaalad weyn ka abuuray dalka Turkiga, kadib markii uu la baxsaday lacag gaareysa 2 Bilyan oo Dollar oo ay lahaayeen kumanaan qof oo maalgashadayaal ahaa.
Ninkan oo wax ku bartay Mareykanka ayaa Turkiga ka furtay shirkad ka shaqeysa lacagaha Internetka (online-ka) lagu kala iibsado ee loo yaqaan cryptocurrency, waxayna arrintiisa soo shaac baxday markii uu shaqeyn website-kii shirkadda uu maamulo ee Thodex.
Dad badan ayaa isugu tegay Guriga ninkan oo doonaya lacagtooda, wuxuuna u baxsaday dalka Albania, iyadoo dowladda Turkiga ay dalbatay in loo soo gacan geliyo, isgoo markaas kadib gacanta lagu soo dhigay.
Lacagta uu la bxsaday Faruk Fatih Ozer waxaa laga qaaday qaaday 391,000 oo maalgashadeyaal ah. Howgal ay Booliska Turkiga ka fuliyeen 8 Gobol oo dalkaasi ka mida aya lagu soo xiray 62 qof oo xiriir la leh Mr. Ozer iyo shirkadiisa Thodex.
Ka ganacsiga lacagta online-ka laga adeegsado ee Bitcoin iyo faa’iido badan oo loogu sheegay inay helayaan dadka faraha badan ayaa looga qaaday lacago gaaray 2 Bilyan oo markii danbe la waayey.
Bakiga dhexe ee Turkiga ayaa joojiyey dhammaan xisaabaadka ku xiran shirkadaha ka ganacsada lacaga online-ka waxaana socda baaritaan weyn oo arrintan ku saabsan, waana tii ugu weyneyd ee lacag lagu lunsado dalka Turkiga.

Faruk Fatih Özer wuxuu sanadkii 1993 ku dhashay magaalada Istanbul, waa 28 sano jir. Özer ayaa la sheegay inuu baab’iyey dhammaan warbixintii ku saabsaneyd e ku jirtay Internetka intii aanu baxsan.
Faruk Fatih Özer shirkada kacday ee Thodex wuxuu aasaasy sanadkii 2017, wuxuuna dhaqdhaqaaqiisa ka socday dalalka Turkey, Azerbaijan iyo dalal kale oo ay ka mid tahay UK.