Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Dowladda Somaliya oo Go’aan cusub ka qaadaneysa khilaafka Doorashada Dalka…

Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay go’aan cusub ka qaadato khilaafka Doorashada dalka iyo muddo kordhinta la diiday.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta Cismaan Abukar Dubbe ayaa goor dhow qabanaya shir jaraa’id, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan inuu jiro isbedel ku yimid mowqifka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha Farmaajo uu yahay iuu dib ugu laabto wadahadalka oo Soomaalidu mar kale is xaliso.

“Shirka Jaraa’id ee xukuumadda wuxuu lagu baaqi doonaa wadahadal laga galo Doorashada oo ay hogaamiso Soomaaliya, Tani waa istiraatiijiyad horudhac ah oo looga hortagayo bayaanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga iyo imaatinka ergayga Midowga” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo ka tirsan xildhibaannada mucaaradka oo kasii hordhacay warka xukuumadda

LA SOCO GOOR DHOW..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON