Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaar ka mida waalidiinta askarta ku maqan dalka Eritrea siiyey warbixin ku saabsan ciidamadaasi oo uu kormeer ugu tegay, una kuurgalay xaaladooda.
Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex maray madaxweyne Soomaaliyeed iyo Guddi ka socda waalidiinta askarta muddo 3 sano ah ayuu Xasan Sheekh raaligelin ka siiyey waalidiinta dhibaatooyinkii lagula kacay iyo xog la’aanta halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda.
Int la baahiyey warbixinta Madaxweynaha siiyey Waalidiinta Askarta waxaa ku jiray xog cusub oo ku sabsan ciidamadaasi iyo xaaladooda, waxaana ka mida:
1 – Inay yihiin ciidamo Soomaaliyeed oo niyadoodu sareyso, diyaarna u ah inay difaaca dalka ka qeyb qaataan, ayna dowladu u adeegsan doonto dagaalka Alshabaab.
2- Inay dhibato ka taagneyd sidii ay ula xiriiri lahaayen Waalidkood, xaaladooda askarnimo iyo xaalada Dalka Eritrea darteed.
3- Inuu Madaxweyne Xasan Sheekh bixiyey lacag loogu talogalay inay askartaasi ay u adeegsadaan telefoonada iyo la xiriirka Qoysaskooda.
Dhinac kale waxaa warbixinta Xasan Sheekh ka muuqatay in dib u soo celinta ciidamadaasi aysan degdeg ahayn oo waqti iyo kharash u baahan tahay ama ay jiraan arrmo kale oo xalin u baahan, iyadoo aan waqti loo qaban soo laabashadooda.